Is-qor maantaba wax-barashada dhallaanka (Kindergarten) si aad dhabbaha ugu xaarto in cunuggaagu wax ku barto dugsiyada (Schools) degeenka Osseo.

Wax-Barashada  dhallaanka ee maalintii oo dhan waxay caruurta ka caawinaysaa inay wax-barashadooda horumarto, xallinta dhibaatooyinka, iyo la dhaqanka bulshada, waxayna u diyaarinaysaa inay ka sra maraan fasalka koowaad.

Maalinkooda wuxuu noqonayaa sidan (waxaa jiraya xoogaa kala duwanaansho ah dugsiyada dhexdooda):

  • Kulanka aroortii/ soo dhoweyn
  • Casharo saynis, cilmiga bulshada (Social studies) caafimaad, iyo farshaxanka
  • Cunto fudud
  • Xisaab
  • Muusik ama jir-dhis (isla bedbedalay maalmaha)
  • Qado/Nasashada
  • Waqti Deggenaansho (Quiet Time)
  • Qoraal
  • Aqris/ Naxwaha (language arts)
  • Waqti is-maamulidda (self-directed choice time)

Dugsiga Hoose Birch Grove ee Farshaxanka iyo Fanka

Dugsiga Hoose  ee Brich Grove waa dugsi xagga fanka iyo farshaxanka ah oo heer qaran ku guuleystay abaal marinta  Magnet halkaaso ay ardaydu ku baranayaan waxay jecelyihiin ee farshaxanka iyo fanka. Haddii ay ilmuhu baranayaan xisaab, saynis, cilmiga bulshada, ama jir-dhiska, muuqaal (visual) iyo jillidda (muusik, qoob-ka-ciyaar, jillitaan) fanka iyo farshaxanka waxay ardayga jeclaysiiyaan wax-barashada.

Weaver Lake Elementary:  saynis, xisaab & dugsiga barashada Teknolojiyadda

Dugsiga hoose ee Weaver Lake, ardayda waxay wax-baranayaan iyagoo sharraxad ka bixinaya waxyaabaha ku meeran. Ardayda jawaabaha hela ama maareeya weydiimaha adag, waxyaabihii ay aqriyeen, baaritaan, ama xaqiijin ayaa noqda kuwo noloshooda oo dhan wax barta.

Dugsiga Zanewood Community- Saynis, Teknooloji, Injineeriin, Farshaxan, iyo Xisaab

2018-2019 ayuu dugsiga Zanewood  Community wuxuu si rasmi ah noqday STEAM (Science, Technology, Engineering,Arts, and Math)  taasoo ah inuu yahay dugsi magnet ah. Saynis, teknoolojiyadda, injineerin,

Farshaxanka, iyo xisaabta iyo dhammaan maadooyinka kale waxay noqon doonaan kuwo dardar gelintooda kor loo qaado laga bilaabo 2019-2020.

Arji u qoro ilaa Dec.31

Yeeysan ku seegin inaad soo dirto arjigaaga(Application) muddada ku simman Dec. 31, 2018, si laguugu tix geliyo inaad tahay qofkii ugu horeeyay baghti-nasiibka (Lottery). Baghti nasiibka ka dib, araajida aan la qaadan waxaa lagu daryaa baghti-nasibyada kuwaas ku xiga, ama waxaa la gelinayaa liiska sugitaanka.

Dugsiyada (School-da) magnet-ka ah araajidooda waxaa lagu soo diri karaa  online-ka: Magnet lottery application. Haddii aad u baahantahay in lagaa caawiyo arjiga dugsiyada magnet-ka ah al soo xiriir Northwest Suburban Integration School District at 763-450-1303.

 

Arjiga walaalaha:

Ilmaha dhigta Kindergarten-ka ee walaalahood ka waaweyn ay hadda dhigtaan dugsiyada magnet-ka ah waxaa looga baahnyahay inay arji (application) u qortaan dugsiga magnet-ka ah muddada ku simman Dec. 31, 2018, ilmaha kindergarten ah si toos ah looguma qori karo dugsiyada magnet-ka ah iyadoo lagu salayniyo in walaalihiis ka waaweyn ay dugsigaas dhigtaan.

Waxyaabaha laga barto Kindergarten

Aqrinta/fanka luuqadda (Naxwaha…)

  • Buugaag tayo leh oo ku haboon, qoraaladoodana ay ka helayaan
  • Waxaa la barayaa xarfaha sida loo qaabeeyo (qoro)
  • Ilmuhu xarfaha inuu aqoonsado iyo xarfaha dhawaqooda
  • Inuu ilmuhu isticmaalo dhawaqa xarfaha si uu u aqriyo ereyga
  • Inuu ilmuhu aqoonsado soona saaro ridmmada ereyada
  • Inuu ilmuhu aqriyo ereyada gaaban
  • Inuu ilmuhu aqoonsadao shakhsiyaadka, deegaanka, iyo waxa dhacaya

Xisaabta

  • Inuu ilmuhu curiyo oo uu ku faahfaahiyo naqshadeyn
  • Inuu ilmuhu kala soco waxyaabo kala duwan
  • Inuu ilmuhu is garab dhigo oo uu sawiro waxyaabo kala duwan
  • Inuu ilmuhu tiriyo isla markaasna u aqriyo tirade
  • Inu ilmuhu ka shaqeeyo xisaab ka jar iyo ku dar

Saynis

  • Inuu ilmuhu u fiirsado oo uu magacaabo qaybaha dhirta iyo xayawaanka
  • Inuu ilmuhu sharaxaad ka bixiyo is bedellada jawiga iyo xilliyada waqtiga

Cilmiga Bulshada

  • Inuu ilmuhu yeesho sifaha muwaadhin xil-kas ah
  • In ilmuhu is garab dhig ku sameeyo oo kala sooco dadka, dhulka, iyo dhacdooyinka

Muusigga

  • Inuu ilmuhu heeso qalabka muusigana uu garaaco
  • Inuu ilmaha aqoonsado dhawqa sare iyo midka hoose
  • Inuu ilmaha rabitaankiisa ku muujiyo dhaqdhaqaaq

Farshaxanka

  • Inuu ilmuhu si xor ah u muujiyo fikradihiisa
  • Inuu ilmuhu yeesho asalka iyo curinta
  • In la horumariyo aqoonta ilmaha iyo xirfadaha midabaynta, xariijinta, bedka, iyo isticmaalka ee meediyaha kala duwan

Jir-DHiska

  • Wuxuu ilmaha kororsanayaa isku xirka iyo horumarinta xirfadaha jir-dhiska
  • Wuxuu ilmuhu korayaa isagaoo ka qayb qaadanayo nashaadhaadhka (activities)
  • Wuxuu baranayaa qaadashada go’aano wax ku ool ah oo la xiriira firfircoonida jirka iyo qaab nololeedka

kidstop: Dar-yeel tayeeysan ee cunuggaaga

Kidstop, waa adeegga ilamaha laguugu haynayo, iskuulka ka hor iyo iskuulka ka dib, maalintuusan iskuulka jirin, iyo inta lagu jiro barnaamijada xagaaga (summer-ka) waana ilmaha ku jira kindergarten ilaa fasllada shannaad

  • Ilmaha waxaa caawinaya shaqaale qaabilsan dar-yeelkooda, kuwaasoo ku soo dhoweyniya bii’ad ammaan ah. Caruurta waxay helayaan madadaalo, waxaa gacan laga siin doonaa shaqo-guriga (Home-work), waxay sahminyaan fursado cusub, waxayna dhisayaan isku kalsoonidooda, taasoo ay ka qayb qaadanayaan barnaamijyo lagu saleeyay doorashadooda.
  • Ardaydu waxay immaan karaan waqti hore aroornimmada 6:30 a.m. waxayna joogayaan ilaa gelinka dambe laga gaarayo 6:00 p.m shan maalmood toddobaadkiiba.
  • Waaxn si joogta ah ula xiriirnaa macallimiinta, si ay ilmahaaga u caawiyaan.
  • Barnaamijkan wuxuu furanyahay inta badan maalmaha uusan iskuulka jirin.

Is-diiwaan gelinta sanad-dugsiyeedka (School year)

Is-diiwaan gelinta online-ka ee sanadka 2019-20, waxay furmaysaa bisha Maarso 5, 2019, waxaana layska rabaa lacagta is-diiwaan gelinta oo gaaraysa $25 cunuggiiba. Wixii ka dambeeya Juun 4, 2019 is-diiwaan gelinta qiimaheedu wuu kordhayaa oo wuxuu noqonayaa $35. Heshiisyada waa la oggolaanayaa marka uu boos bannaanyahay, waxaana laga yaabaa ardayda liiska sugitaanka

Xagaaga 2019

Ardayda gelaysa Kindergarten 2019-20 waxaa u furan inay is-diiwaan geliyaan xagaaga Kidstp-ka waxaa la furayaa Talaadada, Jan. 82019, waxaana laga rabaa lacagta is-diiwaan gelinta oo gaaraysa $25 cunuggiiba. Ardayda dhiganaysa dugsiyada hoose dayrta (Fall) soo socota waxay qayb ka noqon karaa barnaamijyadeena xagaaga (Summer).

Wixii ka dambeeya February 5, 2019,  lacagta is-diiwaan gelintu way kordheysaa oo waxay noqonaysaa $35 ardaygiiba. Maalinta la galayo heshiiska xagaaga (Summer) waa May 15,2019, qoysaskana waxba kama bedeli karaan wixii ka dambeeya taariikhdaas. Heshiisyada waa la oggolaanayaa marka uu boos bannaanyahay, waxaana laga yaabaa ardayda liiska sugitaanka.

  • Online-ka isku diiwaan geli: www.kidstop279.org
    (dooro “Is-diiwaan geli Koontana furo” samayso koonto  ama “Gal oo iss-diiwaan geli” haddii aad tahay so laabanaya)
  • E-mailkan: cecares@district279.org
  • Telefoonka: 763-585-7281

 

Taariikho muhiim ah

Dec.31, 2018 :     Waa maalinta ugu dambaysa Baghti-nasiibka kowaad (First Lottery) ee is-qorista iskuulada Magnet-ka ah

Jan. 15,2019:  Waa maalinta ugu dambaysa ee is-qorista furan (Guud) (ama ha ahaato u kala bedelasho iskuullada deegaanka Osseo ama ha ahaato arday aan deggenayn deegaanka)

January-March2019:

  • Soo gudbi waraaqaha la xiriira is-diiwaan gelinta

Soo buuxi oo soo celi waraaqah (forms) ku jira baqshadaa saacadaha caadiga ee xafiisyada dugsiyadeena hoose ee 17ka ah, ama xarunta dhexe ee is-diiwaan gelinta (7051 Brooklyn Boulevard, Brooklyn Center). Xarunta is-diiwaan gelinta waxay leedahay hal xafis oo layska diiwaan geliyo iyo xarun talaal iyo adeegyo kalaba.

  • Ballanso baaritaanka dhallaanka yar

Baaritaanka dhallaanka yar-yar  wuxuu lacag la’aan u yahay caruurta da’doodu u dhexayso seddex ilaa shan sano, waana shuruud looga baahanyahay intaysan gelin Kindergarten. Baaritaanka waxaa ku jira in la fiiriyo arragooda, maqalkooda iyo horumarka korriimadooda; waxaana dib u fiirin lagu samayniyaa tallaaladooda*  waxaana jiray talo siin waalidiinta si shakhsi loogu samayniyo oo la xiriirta ilmaha horumarkooda wixii baahi ah ee soo baxa. Fadlan waxaad wacdaa 763-391-8776 amaballan ku sameyso online-ka : Screening appointment.

Maarso-Maajo 2019: Ka qayb gal kulan looga hadlayo Kindergarten-ka

Maarso 8,2019: Waa maalinta ugu dambaysa Baghti-nasiibka labaad (Second Lottery) ee is-qorista iskuulada Magnet-ka ah

Maajo 3, 2019: Waa maalinta ugu dambaysa Baghti-nasiibka seddexaad (Final Lottery) ee is-qorista iskuulada Magnet-ka ah

Xagaaga (Summer) 2019

  • La soco boostada waxaa laguu soo dirayaa xogta baska, dayrtana (Fall) waxaa jiri doona kulan furan oo looga hadlay jadwalka gaadiidka waxaana qoysaska ilmahooda diiwaan geliyay boostada loogu soo dirayaa xogta boostada dabayaaqada bisha August.  Ardayda dugsiyada hoose ee ku nool guri iskuulka u jira fogaan dhan 0.8 mile gaadiid qaada baa la siinayaa. Waalidiinta iyo dadka mas’uulka ka ah ardayda ee ka qayb qadanaya kala doorashada is-diiwaan gelinta (oo ay ku jiraan in ardaygu u kala bedesho iskuullada degmmada Osseo) iyagaa mas’uul ka noqonaya gaadiidka ilmahooda.
  • Cusboonaysii talaalka cunuggaaga

Minnesota waxaa laga rabaa dhammaan ardayda dhigata kindergarten ilaa fasalka 12aad inay keenaan cadaymo muujinaya inay qaateen taalaaladooda ama laga dhaafay* ee cudurrada soo socda: Gawracatada (Diphtheria)  Teetanada, Xiiq-DHeerta (DTP), Busbus, Qaamo-Qashiir, Jadeeco ( MMR), Polio, Furq, iyo Cagaarshow (Hepatitis B) fadalan wixii faahfaahin ah ee la xiriira talaalka iyo  isbitaallada laga helayo taal lacag la’aan ah wac 763-585-7350.

*Haddii si qaynuun ah lagaaga dhaafo talaalka waa sabao caafimaad aawgood ama sababo la xiriira qofka wuxuu rumaysan yahay labadaba waa la oggolaanayaa.

Enrollment Center

CONTACT US:
Phone: 763.585.7350*
Fax: 763.585.7368
enrollmentcenter@district279.org

icon fb-sm  icon twitter-sm

*Phone messages left after 3:30 pm may be returned the next business day.

LOCATION:
Located on the first floor of the Northwest Family Service Center

7051 Brooklyn Boulevard
Brooklyn Center, MN 55429
Driving Directions

HOURS:
Open 7:30 am - 3:30 pm
Monday through Friday
YEAR-ROUND**

Closed October 23rd - staff training day

**We are closed for staff meeting days and district holidays.

 

2019-2020 Enrollment Ctr Calendar

Please allow 30 minutes or more for all enrollments and school choice transfers.